close
U bood nuxurka

Bogga Hore

Ka Wikipedia
Ku soo-dhawoow Wikipedia

Insaykalobeedhiya xorta ah ee qofwalbana wax ka bedeli karo

Wikipedia Soomaaliga waxaa ku jirta 13,245 maqaal, Hubi gaarista ama habka mobilka

Maqaalka Maanta

Dayax
Dayax

Dayax waa aduunyo yar oo ku wareegta Meere ama wax ka ween dayaxa. Ugu yaraan, meere kasta wuxuu leeyahay hal dayax ama in ka badan. Cufis-jiidadka u dhexeeya dhulka iyo dayaxa ayaa keena mowjadaha badaha, taas mi la mid ah ayaa keentay isku-xidhnaanshaha labadooda. Dayaxa oo ku socda xawaare dhan 1.022 kilomitir ilbiriqsigiiba, ayaa waxay ku qaadataa 27 maalmood, 7 saacadood iyo 43 daqiiqo in uu hal mar ku wareego dhulka. Dhinaca kale, isku wareega dayaxu (goobaabin) waa 10, 921 km; cufkiisuna waa 2.1958 ×
1010 km3 halka mugiisu yahay 7.3477 ×
1022 kg. Maadaama dayaxa cirkiisu aad u khafiif yahay falaadhaha qoraxduna toos u soo taabtaan oogada dayaxa ayaa heerkulkiisu aad u sareeyaa ugu yaraan waa 100 Kalfin ugu badnaana wuxuu gaadhaa 390 K. (SII AQRI)

Wararka WikiDhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...

Ma Ogtahay...

BERJAYA
  • ... in Misir (Sawirka) uu yahay geed leh midho firiley ah oo ka tirsan bahda digirta?
  • ... in magaca sayniska ee misirku yahay Lens culinaris?
  • ... in miraha misirtu ay yihiin kuwo yaryar, wareegsan oo leh qolof ama dahaadh sare oo fudud?
  • ... in misirtu ay leedahay midabo kala duwan oo ku xiran deegaanka, carada, nafaqada iyo cimilada?
  • ... in geedka misirku uu gaari karo dherer ilaa 40 sentimitir?
  • ... in miraha misirku ay ku dhex jiraan qolof wareegsan oo ka samaysma geedka?

Wararka WikiDhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...

Taariikh

Madaxweyne
Madaxweyne

Maxamed Siyaaad Barre wuxuu ahaa Madaxweynihii 3aad ee Soomaaliya (21 Oktoobar 1969 - 26 Jannayo 1991); kaligii-teliye ciidanka xooga sanadihii 1969kii ilaa 1991dii. Jaale Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku dhashay magaalada Garbaharey, bishiii Oktoobar 6 ee 1919kii; wuxuu ku dhintey magaalada Lagos ee dalka Nigeria bishii Janaayo 2 ee sanadkii 1995dii asagoo ah 75 sano jir. Wakhti ay xamaasad siyaasadeed ka taagneyd wadanka Soomaaliya ayaa 1969kii koox ciidanka xooga ah oo uu hogaaminayo Jaale Barre af-gembi lama filaan ah ku qabsadeen awooda wadanka ayaga oo hal habeen ku qabsadey magaalo madaxda Muqdisho, halkaasi ooy kaga dhawaaqeen dowladii Kacaanka Umada Soomaaliya. Jaale Barre wuxu wadanka u hor kacay horumar degdeg ah oo muuqda, ayadoo si iskaa-wax-u-qabso ah loo dhisey wadooyinka, dugsiyada, xarumaha bulshada, cusbitaalada IWM. Sidoo kale waxaa dowladu la wareegtay maamulka iyo faro ku heynta bangiyada, beeraha waaweyn, shirkadaha muhiimka ah, wershadaha iyo dhamaan wixii muhiim ahaa sida ganacsiga iyo baayac-mushtarka. Dowladu waxay si qeexan u mamnuucdey qabyaalada, qoloqoleeysiga iyo iskala-sooca bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ah taasi oo si shaaric ah loo aasay qabyaalada, isla markaana lagu dhawaaqey in shacabka wadanku siman yihiin meel kasta ooy ka soo jeedaan ama qolo kasta ooy ku abtirsadaan. Waxyaabaha ugu waawayn ee Kacaankii Umada Soomaaliyeed ku soo kordhiyeen waxay ahayd hirgelinta qoritaanka Far Soomaaliga, taasi oo noqotey mid dhaxalgal u ah bulsho weynta ku hadasha luuqada Af-Soomaaliga. Si loo fidiyo oo loo kobciyo qoritaanka luuqada Soomaaliga ayaa dowladu waxay samaysay Ololihii Af-Soomaaliga ee bilaabmey sanadkii 1974tii, wakhtigaasi oo dugsiyada la xidhey si 25,000 oo arday iyo 3,000 askarta ciidanka xooga ah u tegaan miyi iyo magaalo si ay u soo baraan qoritaanak farta cusub e Af-Soomaaliga. Dhowrkii sano ee xigay waxaa dowladu ka gaadhay heer sare ololahaas baritaanka farta Soomaaliga iyada oo sii kordhisey dadaalkii iyo tababaradii.

Sanadihii badnaa ee Jaale Maxamed Siyaad Barre hayay talada wadanka Soomaaliya wuxuu gaadhsiiyey umada iyo wadanka Soomaaliya heerkii ugu sareeyay ee Soomaali waligeed gaadho. Waxaa horumar muuqda lagu sameeyay wax soo saarka wadanka ayadoo la dhisey wershado faro badan. Xaga ciidanka xooga iyo kuwa qalabka sida aad ayaa loo dhisay, waxayna Soomaaliya ka mid noqotey shanta wadan ee ugu awooda badan qaarada Afrika. Dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo shaqooyinka ayaa si xoowli ah u koray. Dadka Soomaalida oo 90% reer baadiye ahaa ayaa noqdey ilaa 40% reer magaal aqoon leh.

Si kastaba ha ahaatee, 21 sano oo xukun milatari ka dib ayaa xoogii Kacaanka Umada Soomaaliya lagu khasbey ineey ka baxaan magaalo madaxda wadanaka midaasi ooy ka dambeeyeen ururo mucaarid iyo dagaalyahano qabiilo u dagaalamaya. Bishii Janaayo 26keedii ee 1991kii ayaa Jaale Maxamed Siyaad Barre ka degay maamulka iyo talada dowladii kacaanka ee ka talineeysay wadanka Soomaaliya, asaga oo wadanka ka baxay. Madaxweyne Siyaad Barre asagoo 75 sanno jir ah wuxuu ku geeriyooday magaalada Lagos ee wadanka Nayjeeriya bishii Oktoobar 26keedii sanadkii 1995kii. Marxuumka waxaa lagu aasay gobolka uu u dhashay ee Geddo. (SII AQRI)

Wararka WikiDhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...

Maalintan

Dadka Soomaaliyeed
Dadka Soomaaliyeed

Dadka Soomaaliyeed (Af-Carabi: الصوماليون) waa dad ku nool Geeska Afrika Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxayna ku hadlaan Af-Soomaali Waana mid kamid ah Luqadaha Kushitiga Faraceeda Afro Aasiya.

Soomaalida Waxaa kala qaybiyey Gumeysigii qarnigii 19aad, kaas oo ukala qaybsaday 5 qaybood oo Kala ah:

Loona yaqaan Soomaaliweyn

Waxay wada leeyihiin dhaqan iyo luqad Ay wadaagaan. Somalida waxay ku kala nool yihiin, qurbaha iyo dhulka Soomaaliya gaar ahaan Soomaaliweyn . Soomaalida badankooda waa dad reer guuraah ah, waxaana lagu yaqaanaa, xoolo dhaqasho, sida ariga iyo geela iyo Lo'da. Soomaalida waxay ahaayeen dad ku dagaalama daaqqa xoolaha iyo Biyah. Dadka soomaaliyeed waxaa dibadda uhaajiray ku dhowaadb ilaa iyo 5 Malyan. maadaamaa dalku ku jiray in kabadan 20 sano oo dagaal ah, Dhanka diinta soomaaliya waxaa aad awood ugu leh suufinimada suufiyada soomaali xoogaa waa ka duwan yihiin suufiyada dalalka qaarkood inkastoo ay aqoonta diintuu ay sii yaraanayso. (SII AQRI)

Wararka WikiDhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...

BERJAYA Sawirka Maanta

Maanta Oo Kale


Xusuusta dhacdooyinka maanta

Xusuusta Dhacdooyinka Maanta :

Kuwa ugu muhiimsan Xusuusta dhacdooyinka sanadkaan - Maalmaha sanadkaan oo dhan


Qeybaha maqaalada Wikipediaha
BERJAYA
Cilmiga aanan sayniska ahayn

Cilminafsi · Taariikh · Luqadaha · Cilmiga bulshada

BERJAYA
Siyaasad iyo bulsho

Ganacsi · Waxbarasho · Joornaalo · Gaadiidka · Beeraha · Dagaalada · Caafimaadka · Dowladaha

BERJAYA
Diin

Diimaha · Mutolojiyada

BERJAYA
Hiddo iyo dhaqan

Gabayada · Filimaanta · Muusig

BERJAYA
Saynis

Bayoloji · Fiisigis · Kimisteri · Juquraafi · Xisaab · Cilmidayax · Xiddigis

BERJAYA
Teknooloji

Elektaroonig · Internet · Kumbuyuutarada

BERJAYA
Ciyaaraha iyo madadaalada

Teleefishinka · Ciyaaraha

BERJAYA
Kuwa kale

Kalandar · Shaqsiyadaad · Waqti

Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia

Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia ee qodobkaan raacsan:

Wikibooks
Buugaag

BERJAYA

Commons
Sawirro

BERJAYA

Wikinews 
Warar

BERJAYA

Wikiquote 
Oraahaha

BERJAYA

Wikisource 
Qoraal

BERJAYA

Wikiversity
Xogaha waxbarashada

BERJAYA

Wikivoyage 
Hagaha safarrada

BERJAYA

Wiktionary 
Qaamuus

BERJAYA

Wikidata 
Liiska caddeymaha

BERJAYA

Wikispecies 
Abla-ablayn

BERJAYA

Luuqadaha kale Wikibidhiya

Wikipedia-gan waxaa lagu qoray Af Soomaali. Wikipedia-yada kale ayaa diyaar ah; qaar ka mid ah kuwa ugu waaweyn ayaa hoos ku taxan.